sahra axmad jaamac heesta nabsigiyo ayaankow xagee baad ku nooshihiin

 adduun nugul ku doogsaday 

rahuna nawda daw guray

nafyaruhu wax quursaday 

raganimooy ninkaagii

nacasnimo maxaa baday

nabsigiyo ayaankoow 

xagee baad ku nooshiin 

haddii aan ku naawilay 

ha iigabin nasiiboow

illeyn jacayku waa nabar 

waa nudub calooleed 

oo lagama nuuxsado

allahayoow na nabad geli

nasta iyo naruurada 

nimcadaada nagu dhowr 





adduun laysu noolyahay 

naruurada dhigeen qabo 

naxli inaan kusii bado

adoo noogsan caashaqa 

markaan hibasha nuuxsado

naftu waygu diidaa 

nabad iyo nas ila gaar

haddi aan ku naawilay 

ha iigabin nasiibow

illeyn jacaylku waa nabar 

waa nudub calooleed 

oo lagama nuuxsado 

allahayoow na nabad geli

nimcadaada nagu dhowr 


nolol uquudhi waagiyo

nacas igu ambaday iyo

nin la duufsanaayiyo

nacab iyo warxuma iyo 

dadka intaydin nabad tihiin

nafta kuwaan laqaybsado 

nabdigaan ku haystaye

haddi aan ku naawilay

ha iigabin nasiiboow

illeyn jacaylku waa nabar 

waa nudub calooleed 

oo lagama nuuxsado 

allahayoow na nabad geli

nimcadaada nagu dhowr



kadaawo halkan     https://www.youtube.com/watch?v=RP1Is2lHa3A


Comments

Post a Comment