AMAAN DUMAR

 waxaad tahay kayd qarsoon 

kalaabyada lagu sirmiyo 

kaymaha bahaladana gelin 

qofaan kala kaan ahayn 

kubkiyo kilyahana banayn 

kudhkiyo wejigana cadayn 

marnaba kabkab yeelanoo 

kaldhaash kulahayn jirkoo 

afkana kala cayn ka dhigin

 

hadaysan kal dheer lahayn

inay xirataa kab dheer 

kasxumo bay uaragtaa 

kalsooni waxay ku tahay 

siduu rabigeed kamilay 


hablihi xidhan jiray dhaclaha 

misana dhaantayn jiree 

mariinka dhalaala iyo 

mulaaxda udheeh ekaa 

hugooda ku dhaadan jiray 

ayaan kala soo dhex baxay 

dhamaystiran dhaaya bila 

dhigeedna ma dhaafsan karo                       





Comments