HAWEENKEENOO DAYACAN MIYAAN JOOGNAA DUNIDA

 habala suurad wacanoo xaragana sedkood tahaya 

saanqaadka noloshoodu samir iyo dulqaad tahay

saxan-saxo udgooniyo saafi malab lamoodoo

siisocodka laafayaha sibirada garbaha iyo

dhexda taaka qabadka leh iyo

sunniyaha qorqoran baa 

sahwi kugu abuuroo aan sifeeya arartee  

soomaali weeyaan 

hablihii sanaagoo arabsiyo usoofiyo

diridhabe godey iyo gaarisiyo mandheeriyo

gobta reer wajeer iyo soomaali gedegeed 

gob haween ah weeyee xaawa-taaka soo arag

ka gadood gumaysiga goortay yiraahdeen 

hurdaan galow katoosnoo waakaa gugii da'ay 

oon dambarkii kaliishanay 

talo iyo tacliin iyo tuugnimo kalay tahay 

dumar looma turinoo 

tashigiba dhamaantii ragaa looba tiirshoo 

dayac iyo dulqaad li'i dabadeed waxii dhacay 

dakum daakumbay noqon 

dabadeedna dumarkii dacda noogamay 

dudine way nala dabbaashhen 

waxay dayr noo noqdeen

waxay noodaalayeen

waxay dayaciyo diiftiyo

dhibaato darteen muteen 

afkoodoon dacal qoyneyn 

durdurro na waraabiyeen 

haddana duco iyo dardaaran 

intaa noogusii dareen 

miyaan maantoo gu'da'ay 

abaalkood dayrinaa ?

wanaag waxay noo galeen 

xumaan uga doorsanaa ?

miyaan ayaagoo dulmaran 

dhegiyo aan dhaaya qabin 

dhamaan xubnahoo bannaan

intaa doqon naga midoo

da'iyo daan nala egoo

dayuusnimadiisu tiri

dacalo iyo dayr bannaan baa 

dantaadu ku xeerantee dabaalo debkaan dabbaal

intaa annaguna canaan cay iyo ceeb kula kacnaa 

marbay caalwaaba noqon 

marmarna waan cayrinaa 

ragyohoow rabiggod aqoon 

miyaad raaxana rabtaan 

rsuulku siduu nayiri 

rag iyo dumar baysu raran 

damiirkiyo damqashadii 

madaarbaydinkaga duntoo

dadnimadiinii burburtay

haweenkeenoo dayacan 

darxumo derbiyada hoydaan 

miyaan joognaa dunida?


 








Comments