JAWABTA PETROLKA ALI DHANTO

   waxaa layiri 

maqashii qowdoo qabashaniiska daa

waa qowl siyaasad oon marna aan qornayn 

aniguna bahdaay sugaan kuma badniye 

ibariidshaay inyara aan ku biiriyee 


waxaan ku iri dadku ballan darnaa 










oo baryana badnaa                                                               

markay garaan dantood naga dudi ogaa

anaguna dan moodnoo  doranaye

war dadkaygow nadaashatay balan daradu


dadku waxay dhahaan waa duulan jirine

buugta qaatoo cilmiga barta gormay nageli

hadman lahardami dunidani hormartay

oon baryada filkayn maruun kaga ilbixi


aaway berlaxowgiyo balamihi badnaa

afka baarkiisa iyo mabilaash bay ahayd

doorashadu badnaa isbedelku yaraa

sow tariibtan baas ciilku ima bado


waxaa layiri tagtada looma taag dayee

wixi timaada ah baa latoosiyaa

tashi aan galnaa toosin kara dalkee

war barbaartay isteedsi maku talagalnaa


war waxaan ku iri

odayaashan qandhan ee uudilay qabiil

qurun iyo qashaabiir bay inoo qooshayaan

intaan quudhsanoo qam kasiino dhegaha 

ceelasheenaa burqaday maku ciil baxnaa


umad baahanoo rajabeel ku dhacay

yaan bar lagu kulmiyo beat unoqon lahayn

raja beenowday baa dib usoo burqane

ceelasheenaa burqaday maku ciil baxnaa


aaway berlaxowgiyo balamihi badnaa

afka baarkiisa iyo mabilaash bay ahayd

dadku daalanaa doorashadu badnaa

sow tariibtan baas ciilku ima bado





Comments