QALBIGA AAN ISKU QORNEE HEEE

 dunidu waa qoraal socdoo qisooyin iyo waa layaab 

quruxda aad maanta leedahay kolley qabribuu dambeeyee

adoonan iquursanayn qab-weyni iga kaa gelayn 

anaa qasri kaaga dhisay qolqolka qalbigee kuqanac

siduu qalbigaygu qabo qiyaas kuma koobi karo

qiimahad igu leedahaye bal aqonsi makaa helaaa ?

dunidu waa wada qoraal qofkastana wuxuu qabsado 

ayaa taariikh uqorma 

hadaan caashaqa aad qabto intaan garka kaaga qabto 

qunyarna kugu oran lahaa qabiltu waan kugu qancee 

markaan qoys wada noqono armaad qaxar igu dishaa ?

qoonsiga aad sheegatayna armuu qaylaba noqdaa?                          

yarkoow yaa kaa qunsul ah                                         


                                   

qalbiga aan isku qornoo noloshanaan qaayibnee 

farxadna aan qaybsanee qaaliyay/yow qoys wacan dhisnee

qiyaanada naga ogow qabyadu yay nadaashanine 

Comments