Ragoo dhagax kuseexdoo
Dhamacdiyo kuleelkiyo
Dhaxamaha dul heeryada
Dhegba Aan udhiginoo
Dheelalooba fiidkoo
Dheelmanaaya leelkii
Dhabe Aan wada marniyo
Dhaqankeena weeyaan
EEEMir xunoon dhamays noqon
Baa inan dhool lamoodoo
Qoton joogsi dherir iyo
Dheeh iyo ilwaad loo
Eega qaabdhismeedkana
Dheeman midabkii loo dhigay
Dhabankeeda xaada leh
Indhuhu ay ku dhaashtaan
Inta ay usoo dhaxdo
Dhowran waayo dabadeed
Oo dhirbaaxa quureed
Dheg iyo dhaban dilaaciya
Ama banaysta dhiigeed
Oon xaaskiisa dhowrayn
Kablocknay dhalintoo
Dhabaheena muu marin
Dumarkoo ladhowroo
Sidii ubad la dheelshoo
Dheeman iyo luul iyo
Dahab dhegaha loo suro
Comments
Post a Comment